A wonderful and wise story⁸Sheeko cajiiba oo xigmadesan)

Nin faryaamo ah, ayaa gurigiisi aaday, wuxuuna ka tagay goobti shaqadisa eheyd markii lagaaray waqti maqrib ah, gabbalkana uu sii dhacayo ,oo aan shaqo lasii wadi karin, wuxuu niyadiisa ka yiri: " subaxii u immow, kadibna shaqadaada sii dhammeystiro". 

Waxaa caado u ehayd faryaamuhu in uu ugu tago miska korkiisa qaar ka mid ah agabkiisii oo ay ku jirto minshaar, burus iwm.

Markii uu baxay faryaamihii in yar kadib, isla markii mas weynin badan ayaa soo galay goobti shaqada eheyd xilli maqrib ah, qofna aan joogin goobtaa.

Waqti masku uu iska meereysanayo halkan iyo halkaa; maskii ayaa wuxuu dul maray miinshaarta dusheeda, taasoo keentay inuu dhaawac yar ka soo gaaro maska, uu dareemo xanuun.

 Maskii inta uu carooday ayaa wuxuu weerar culus ku qaaday minshaartii miiska saarneyd, si uu isaga celiyo. Wuxuu durba isku deyey in uu qaniino miinshaartii, taas oo keentay in afkiisa uu dhiig ka qulqulo.

Sidaa inuu xaalkU nogonayo masku ma moodeyn, balse maskii aad buuU carooday, wuxuu aaminay in minshaartu ay soo qaaday weerar culus, U arkay nafsadiisu iney halis ay ku jirto, dhimashana ay qarka u saaran tahay.

Wuxuu maskii go'aansaday in uu sameeyo fal-celin adag oo kamadambays ah, jirkiisa oo dhan ayUu ku duubay miishaarki, isaga oo isku dayaya in cadaadis Xoogan iyo ceeji ku qabto miinshaarta. Nasiid daro halkii buu ku dhintay.


Subaxi marki u farayamihi hurdada ka toosay, wuxuu ku laabtay goobtiisa shaqo si uu u dhameystiro shaqo maalmeedkiisii , wuxuu arkay mas dhintay oo yaalo miinshaarti agteeda, wuxuuna u dhintay sabab la'aan aan ka fiirsi lahayn iyo caro ama xanaaq daran.


 Dulucda Sheekada: Mararka qaarkood, waqtiga aad careysan tahay waxaad waxyeelo gaarsiin kartaa nafsadaada, balse goordambe waxaad ogaaneysaa ineysan mudneyn in la

caroodo. Noloshu inta badan waxey u baahan tahay in la iska

indho tiro wax walbo kaa careysiin karo, kuguna horseedi karo ka fal-celin xun keeni karo in nafsaddaada ay u dhimato.


Post a Comment

Previous Post Next Post