Waxa jiray nin dhowrsan oo la oran jiray Abubakar Al-miskii,
Wuxuu ahaa qof udgoon badan, oo jirkiisa carfaya intuu noolaa ilaa uu geeriyooday, maalinbaa waxaa la weydiyay:
"Muxu yahay barfuunkaan aan go,aynin caraftisa oo marwalbo kaasoo carfayo?"
Abuubakar Al-miskii wuxuu yiri: "Allah baan ku dhaartayee sanado badan maan taaban barfuun ama wax udgoon laakiin sababta aan u carfayo ayaa ah, naag aad u qurxoon ayaa i shirqooshay, anigoo lunsan oo gara la' waddo, ayey ii tilmaanta waddo dhexmarayo gurigeeda, kadibna xirtay albaabada gurigeeda.
Anigoo yaaban, ayay xageyga soo aaday naagti, iyadoo
. ay qeylin doonto iguna edayn donto xatoyo ama isku day. kufsi!!.
Wuxuu yiri Abuubakar Al-miskii "Anigoo wareersan oo waxaan sameeyo aan la,ahay, ayaa waxaan ku iri, miyaan qubaysan karaa si aan u nogdo ruuX nadiif ah kuu qalmo ?!.
Markiiba waxay amartay jaariyadeedi inay i geyso musqusha ama suuliga !!". markii aan galay suliga, waxaan gacantayda ku soo qaaday "'saxaro" badan oo waxaan marmariyey jirkayga oo dhan, anigoo kU jira xaaladdaas, ayaa musqushii / suuligii kasoo baxay!!.
Isla markii ay naagtii i aragtay anigo uraayo, waa ay ila yaabtay, iyadoo yaqyaqsan oo ay ku jirto nacayb iyo argagax, markaas ayay amartay in degdeg layga saaro gurigeeda !!
Markiba waxaan aaday gurigayga, qof kastoon soo maro, oo i arko anigoo urayo, wuu igu jees jeesaayey, sidaa ayaan ku imid gurigeyga.
Waan qubeystay o waan seexday habeenki, waxaan arkay riyo qof igu leh: "Abuubakarow, ma samaysay falkaan wanaagsan si aad noo raalli geliso? Waan ku raali gelin doonaa ilaa maalinta qiyaamaha" Markaa kadib waxa noqday ruux barfuun kasoo udgaayo, marna iga go,eynin carafta".
Dadkuna waxay ugu yeeri jireen (Al-miskii).
Wuxuu ahaa ruux udgoon badan ilaa uu llaahay oofsaday isagoo carfaayo xittaa markii ladhaqaayey (ail aaos).
DULUCDA SHEEKADA:
Waa in xumaha laga fogaadaa, lana noqdaa ruux dhowrsan,
Si Rabbi (SWT) U xafido jirkaaga Aduun iyo Aakhiro.