Muhiimada eey no leedahay technology-yada
Assalamu calaykum walalaha aan halkan ku midawnay Maanta waxoogaa waan yara quusaynaa, article kan waxaan kaga hadli doonaa muhiimada ay technology-adu u leedahay bulshooyinka aduunka.
Laga soo bilaabo qarnigii 16aad waxa caalamaku ku wajahnaa bilaabida suuq shaqo, si looga gudbo xadaaradii hore ee ku dhisnayd una badnayd iskaa u xamaalo. Ugu danbayna waxa qarnigii 19aad bilawmay kacaankii warshadaha (industrial revolution) kaas oo socday ilaa iyo dhamaadkii qarnigii 20aad.
Waxa ku xigay world wide web (www), shirkadaha iyo wadamada caalamka ugu horumarsan iyo bulshooyinkooduba waxa ay fahmeen saamaynta ay ku technology-ada oo la horumariyaa ku yeelan karto dhaqaalaha shirkadaha, wadamada iyo guud ahaan caalamka.
- Waxa ay shirkaduhu ogaadeen in ay fududaanayso inay alaabtooda ka gadaan dad fara badan hadii dunidu isku furanto, shirkad waliba waxay samaysatay website ay dunidu ka arki karto waxa ay hayaan.
- Dawladuhu waxay bilaabeen in adeegyada dawliga ah ee markii hore dadku ay ku qasbanayeen inay xafiisyada safaf ugalaan hadda laga dhigi karo kuwo digital ah si dadka loogu kaydiyo waqtigooda iyo energy-ooda.
- Dhakhaatiirtu waxay fahmeen in bukaanada ay ula tacaali karaan si ka wanaagsan sidii hore hadii ay helaan system patient- walba lagu kaydiyo xogtiisa si loo siiyo dawooyin sax ah. Sidoo kale waxay arkeen hadii ay kaydiyaan xogaha bukaanada qaba xanuunada qaar ay sii saadaalin karaan inta qof ee uu xanuunkaasi asiibayo si looga hortago, taasoo albaabada u furtay in la ikhtiraaco dawooyin iyo talaalo lagula dagaalamayo xanuunadaas.
- Gaadiidka dadwaynuha (Public transportation) sida basaska, tagaasida, tareenada iyo diyaaraduhu waxa caqabad ku ahayd war galinta customers-kooda waqtiyada ay u baxayaan safarada hadii ay noqon lahayd mid magaalada gudaheeda ah ama mid wadan ka wadan ah, waxay xaliyeen dhibkaas iyaga oo isticmaalaya technology-ada.
- Police-ku waxay arkeen baahida loo qabo data base digital ah oo lagu kaydiyo dadka danbiyada gaysta si looga hortago danbiyo kale oo dhaca ama loo qabto danbiilaha si aanu dad kale u dhibaatayn. Diwaan kaydinaya danbiilayaasha si aanay dadku ugu dhiirayn inay dabi galaan.
Hadii aan idhaahdo tilmaan goob walba oo ay technology-adu saamaysay waxay igu qaadanaysaa list- dheer lkn waxaan rajaynayaa inaad fahantahay halkaan u socdo wa suuqa shaqada ee mustaqbalku waa mid ifaya, waa hadii uu qofku si il dheer ah u eego halka dhaqaalaha aduunku u jihaysan yahay.
Waxyaabaha aan school-ada iyo jaamacadaha badanka lagu dhigin waxa ka mid ah in ardayda la baro sida ay u dooran lahaayeen waxbarasho iyo xirfadaha ugu wanaagsan ee bulshada caalamku u baahan tahay mustaqbalka dhaw iyo midka fog.
Thank you so much 💗