Community Affairs. (Arimaha Bulshada)

Arimaha Bulshada

Run ahaantii jacaylku waa tartan qarsoon oo ogaanshihiisu ay wakhti qaadato, mana fududa marka u horaysa in la dareemo gabadh ku jecel sida ay u fududahay in aad dareento waxyaabaha kale, Had iyo jeer dadka uu jacaylku la soo darso rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee si daacad ah ugama run sheegaan, ku dhiirashada inay si badheedh leh ugu soo bandhigaan jacaylka ay u hayaan qofka sida dhabta ah ay jeclaadeen, waxaanay inta badan la soo dersa dareen baqdin iyo cabsi leh, iyaga oo ka cabsi qaba haddii ay u soo bandhigaan shaqsiga ay jecel yihiin in lagu gacmo saydho oo ay la kulmayaan waji gabax.


Waxaanad niyaddada ku haysaa in qofka sida dhabta ah jacaylku qaba aanu sinaba kuugu soo bandhigi karin ragga iyo dumar kuu doonaba ha ahaadee waayo maahmaah english ah ayaa tidhaahda “True Lover Don’t Say Love Each Other,But They Know They Do” oo ay macnaheedu tahay labada qof ee sida dhabta ah sku jeceli lagamaba yaabo inuu ku yidhaado waan ku jecelahay midba midka kale balse wey ogyihiin waxaa ka dhexeeya waxanay isku dareensiiyaan waa ficilo aad ka garan karto qofka sida dhabta ah kuu jecel (action).


Sidaa awgeed haddii aanu sii ogayn qofka wax jeceli jawaabta uu kala kulmi doono qofka uu jeclyahay, marka uu jacaylkiisa u sheegan waayo ayaa waxaa ay ku kaliftaa qofkaasi amaba sabab u ah in qofkaasi uu qarsado jacaylkiisa taas oo khataro caafimaad oo nafsaani ah ku keenta qofka wax jecel.


Waxa jira dad uu ka xoog bato dareenka qiirada leh ee jacayku oo si fududna looga fahmi karo rag iyo dumar kuu doono ha ahaadee. Si kastaba ha ahaatee waxa jira dhaqamo iyo caadooyin badan oo u diidaya gabadha ceebna ku ah in ay si fudud ugu soo bandhigto wiilka ay jeceshahay jacaylkeeda iyo waxyaabaha ka dhabta ah ee ay ku dooratay amaba dareenkeeda nafahaaneed.


Waxa kale oo jira dhaqamo iyo caadooyin u fasaxaya gabadha in ay ku dhiirato sidii ay ugu soo bandhigi lahayd, Tusaale ahaan gabdhaha ku nool qurbaha oo kale ceeb kuma ah in ay tidhaahdo “Hebeloow waan ku jecelahay”. Sidaa daraadeed ragga way ku adagtahay in ay ogaadaana gabadha aadka u jecel, maxaa yeelay dumarku uma qirtaan jacaylku sida uu yahay, xitaa haddii uu ka dhab yahay. Sidaa awgeed waxa jira waxyaabo badan oo uu ninku si fudud uga fahmi karo gabadha aadka u jecel waxeyna kala yihiin qodobadaasi.


Isagoo ninku isbarbar dhig ku sameeya oo qiimeeyna ku sameeya hab dhaqanka ay gabadhu dadka ula dhaqanto iyo sida ay adiga kugula dhaqanto. Haddii aad gabadha ka dareento in ay ku siinayso tixgelin ka badan ta ay dadka kale siiso gabadhaasi way ku jeceshahay ee sidaasi ku ogow. Dumarka qaar ayaa aad uga werwera badbaadada qofka ay jecel yihiin, sidaa daraadeed haddii gabadhu ay aad xil isaga saarto in ay ogaato halka aad joogto iyo waxa aad ku sugan tahay iyada oo ku waydiinaysa dad xog ogaal kuu ah, gabadhaasi way ku jeceshahay.


Haddii gabadha ku jecel aad ku aragto hinaase waxa lagu sifeeyaa aragtida noocaasi ah in ay ku jeceshahay, maxaa yeelay hinaasaha laftiisu waxaa uu qayb laxaad leh ka qaadtaa jacaylka dhabta ah ee ay hayso haweeneydaasi. Gabadha ku jecel ee aan kuu soo bandhigin jacaylkeeda waxa ku abuurma dareen baqdin leh, waxaanay had iyo jeer ka werwertaa in ay waydo ninka ay jeceshahay oo uu raaco gabadh kale oo aan iyada ahayn. Hadaba haddii aad ka dareento gabadha aad wada sheekeysataan amaba walaltinimo idinka dhexeyso hadii aad ku aragto astaamahan waxa lagaaga baahan yahay in aanad lumin jaaniskaasi oo aanad dayacin jacaylkeeda ee aad ka faa’iidaysato fursada qaaliga ah. Astaamahan aad aragtay Run ahaantii waxa aad si fudud u soo jiidan kartaa una ogaan kartaa, kasban kartaana qalbiga gabadha ku jecel.


Adgoo Isku daya marka aad si dhab ah oo aan dheel-dheeli ku jirin aad u hubiso qodobadan in aad si talaabo talaabo ah ula kulantid ulana haasawdid, una soo jiidatid gabadha ku jecel.Ogow haddii aad ka xishootid haasaawahan hufan oo aad yeelan waydo isku kalsoonida dhexdiina taala ayaa meesha ka baxaysa.


DHACDO

Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Maxamed iyo Kariima, Maxamed ayaa xiriir lasoo sameeyay wariya-yaasha barnaamijka xiisaha badan ee Isha Dhacdooyinka Caalamka, kuwaa oo hawl-galla Shabakadaha Caalamiga ah ee Radioxamar.com iyo Dhacdo.com, wuxuuna inooga waramay sidii ay wax u dhaceen, waxayna ku bilaabaneysaa sidatan:-


Waxaan ku dhashay magaaladda Boorame ee gobolka Awdal, waxaana kusoo barbaaray isla magaaladda, waxbarashadeeda ayaa waxaan kusoo qaatay iskuulka Al Aqsa Secondary School oo ku yaalla isla magaaladda Boorame ee gobolka Awdal.

Kariima ayaa waxay ku dhalatay magaaladda Abu Dubai ee dalka Emirate-ka Carabta, balse waxay ku barbaartay Boorame, waxayna ila dhigan jirtay iskuulka, balse waxaan kala ahayn kala fasal, oo aniga ayaa hal fasal ka sareeyay, waxaana Kariima isku baranay maalin maal-maha kamid ah ayaa fasalka aan dhiganaayay waxay isku soo duba-rideen barnaamij si wanaagsan u soo jiitay ardaydii dhiganeysa iskuulka oo idil.


Intii uu barnaamijka socday ayaa waxaa maqlay dhalinyaro fara badan oo oraneysa; “Gabadha Kariima ah aad bay u qurxoon tahay ee waa inaan gacanta ku dhignaa”

Durbaba waxa aniguna go’aansaday in aan gacanta ku dhigo oo aan kaga hormaro wiilashaasi. Nasiib wanaag sidii ayaa dhacday. Kariima waxaa isku baranay barnaamikaasi oo uu soo qaban qaabiyay fasalkayga. Waxa aan Kariima ka qaatay numberkii telefoonkeeda.

Kariima waxa aanu noqonay laba qof oo si wanaagsan isku xiriiriya. Waxaan dareemay in aan u qaaday jaceyl diiran, balse maanan u sheegan intii hore, iyadana waxaan ka dareemay in ay i dooneyso sida ay iigu waramayso. Waxaana xilliyada qaarkood aadi jirnay faras magaalaha, oo aanu kusoo qaadan jirnay waqti wanaagsan.


Waxay Kariima i bartay qoyska ay ka dhalatay oo ahaa dad wanaagsan oo si weyn i soo dhaweyn jiray, waxaana wada soconay in ka badan afar, isla xilligaasi dalka Shiinaha ayaa waxaan ka helay deeq jaamacadeed. Waxa ii ajaa xilli aan ku mashquulsanaa waxbarashada aan ka helay dalka Shiinaha. Kadib ayaa waxaa habeen habeenada kamid ah i soo wacday Kariima, waxayna ii sheegtay in qoyska ay ka dhalatay ay la doonaayaan wiil joogga voqortooyada Ingiriiska, kaa oo ay qaraabo dhaw yihiin. Hadalkaas ayaa igu noqday mid layaab leh.

Kadibna waxa aan ku iri; “Taasi shaqadayda maaha ee adiga ayay kuu taallaa”, kadib waxaan ku jaray teleefankii.

Cabaar ayaanu kala caroonay, hase ahaatee waa ay i soo wacday. Waxayna ii sheegtay in ay qalad iga gashay. Waxayna iga codsatay in aan iska cafiyo, iyadoo intaasi ii raacisay in aysan nin kale naagtiisa noqoneyn aniga maahee. Karima waxa ay ku dhaaratay Kutubka Quraanka Kariimka ah, in aysan nin kale guursan doonin, markaas ayaa waxaa ku qancay Kutubka ay ku dhaaratay anigoo is-dhahay nin kale kaa raaci meyso.


Muddo kadib ayaa waxaa magaaladda Boorame soo gaaray ninkii ay qoyskeedu doonayaan in ay ku daraan, kaasoo ka yimid dalka Ingiriiska, wuxuuna kasoo doontay qoyskeeda, isla-markaana qoyska Kariima ayaa si weyn ugu faraxsanaa in uu gabadhoodu guursado nin ka yimaaday mid kamid ah dalalka horumaray.


Kariima ayaa ii sheegtay halka ay xaaladdu mareyso.

Waxaana ku iri; “Adiga ayay tallo gacantaada ku jirtaa”.

Kadib waxa aan iskaga soo baxay magaaladda Boorame, waxbarashadiina u soo doontay dalka Shiinaha. Markaan cabaar joogay Shiinaha ayaa waxaa maqlay in laguursan rabo Kariima, hase ahaatee maanan deg degin oo waan is dejiyay.


Waxaa khadka Internetka ku arkay Kariima, iyadoo ii sheegtay in uu guursan rabo ninkii ay qaraabada ahaayeen, waxayna ii sheegtay in ay iyadu ku qanacsan tahay.

Aiguna waxaan ku iri; “Maadaama aad ku qanacsan tahay Allaha isku kiin barakeeyo”, sidaasi ayaanu ku kala tagnay. Ninkii ayaa guursaday horey ayuuna u sii ka xeystay xaaskiisii.


Iyadoo ay xaaladdu igu xun tahay ayaa waxaa xiriir ila soo sameysay gabar ay saaxiibo ahaayeen Kariima, laguna magacaabo Caasha, waxayna ii sheegtay in ay Kariima qalad weyn iga gashay, waxayna igu baaqday in aan iska samro.

Muddo kadib sidaan isku xiriirineynay Caasha, ayaa waxay Caasha ii sheegtay in ay wax kasta oo ay ila qaban karto ay ila qabato. Muddo kadib ayaa waxaanu isku afgaranay in aanu isguursano.


Inta uusan guurkayagu dhicin ayaa waxa aan maqlay in Kariima iyo ninkii qabay ay kala tageen isla-markaana Kariima ay maqashay in aanu wada socono Caasha mar dhawna aanu aqal gelli doono. Karima ayaa si weyn ayay uga maseertay oo ila soo xiriirtay iyadoo joogto dalka Ingiriiska. Waxa aan u sheegay in aan Caasha guursan rabo, haddii ay diyaar tahay in ay kasoo qeyb gelli karto guurkayaga oo ka dhici doono Boorame, wayna iga aqbashay.

Waxaan dib ugu soo dhoofay magaaladda Boorame si aan ula soo aqalgallo Caasha, sidoo kale Kariima ayaa iyana soo gaartay Boorame si ay uga soo qeyb gasho guurka aniga iyo Caasha. Waxa aan ka dareemaayay Kariima in ay si weyn uga xun tahay guurkayaga, balse waxaan la aqal gallay Caasha.


Intii aan ku sugnaa Boorame ayaa dhawr jeer wada kullanay Kariima, waxayna ii sheegtay in ay ka xun tahay qaladka ay iga gashay, isla-markaana waxay iga codsatay in aan guursado anigoo qaba Caasha, isla-markaana si weyn ii jaceshahay.

Hadaba akhristayaasha sharafta leh waxa aan ka codsan lahaa in ay arintan igala talliyaan. Maxaa yeelay Caasha aniga ayaa jecel laakiin Kariima ayaduna si weyn ayay ii jeceshahay.

Post a Comment

Previous Post Next Post