True love never end!💔 (QIIMAHA JACAYLKA QALAD LOOMA YEELO!).


True love never end!💔 

QIIMAHA JACAYLKA QALAD LOOMA YEELO!

A.qani wuxuu ahaa wiil dhalin yaro ah oo la nool labadiisa waalid wuxuuna ku noolaa magaalada Laas-Caanood wuxuuna wax ka dhigan jiray dugsi in waxoogaa leeg u jira gurigooda, 

A.qani wuxuu ahaa wiil aad u qurux badan gabadhii aragtaana aanay ka jeesan jirin,

A.qani se marnaba ma hayan wiil waxaas oo hablo ah u jeeday waayo wuxuu aduun ka fiirsan jiray Hodan oo ahayd wadnihiisa iyo waaxyihiisa mar walba oo dhalin yaradu weydiiso halka ay hodan ku nooshahayna wuxuu ugu jawaabi jiray waxay imaneysaa maalin markaas waad arki doontaan. 

Maalin ayaa C/qani oo fadhiya geed hoostii waxaa u yimi saaxiibkii Saalax kuna yidhi saaxiib maanta maxaad keligaa halkan la fadhidaa C/qani oo hadalkii uga jawaabaya ayaa ku yidhi saaxiib maanta waxaan xasuustay jacaylkii yaraanteydii ee ilaa hada aan kool koollinaayo waxaan xasuustay xiligii yaraantayada aniga iyo Hodan wuuxuna C/qani isla markiiba bilaabay in uu uga sheekeeyo saaxiibkii Saalax jacaylka baaxada weyn ee kala dhex maray isaga iyo Hodan isaga oo u dhigay sidan.

"Waxaan ahaa wiil yar oo jacelaa in uu mar walba kubbad ciyaaro ama daawado maalin aniga oo ku degdegsan kubbada waxaa jidka igaga soo hor baxday Hodan oo aad moodo biyo dahab, wuxuu wejigeedu u dhalaalayey sidii cadceed markaas soo baxday markii ay indhahaygu qabteen waxay ila noqotay u qaadan waa iyo layaab waayo xiligaa waxaan aqaanay hablaha ku nool magaalada Laas Caanood badankooduna waxay ahaayeen kuwo i daneeya oo i daba yaaci jiray,


Saalaxaw waxba yaana hadal kugu daaline aniga oo isku haya ma la hadashaa iyo ma iska deysaa ayaa waxay gabadhii igu tidhi walaal waxaan doonayaa in aad ii tilmaamto Parevite-ka ............. hadii aad awoodana i soo tustid isla markiiba hadal kama sugine waxaan ku idhi kaalay walaal aan ku soo tusee aniga oo doonyey in aan la sii hadlo inta aan jidka sii socono.

Jacayl waa balaayee waxaa aniga iyo gabadhii na dhex martay sheeko yar oo gaaban iyada oo aan is weydaarsanay magacayadayadii. Barasho ka dib aniga iyo Hodan waxaan isu qaadanay jacayl xad dhaaf ah waxaana labadayaduba isu qaderin jirayn sidii laba qof oo nolosha wadaagay.

Maalin ayaa waxaa dhacday in Hodan Aabeheed uu ogaado jacaylka aniga iyo inantiisa na dhex maray Kadiban wuxuuna si degdeg ah ugu diray debedaha maalintaas wixii ka danbeeyey waxaan waayey aragtidii gabadhii aan jeclaa noloshayduna waxay noqotay in aan ka fekero gabadhaas iyada oo aan meel ila joogin.

A.qani wuxuu ugu danbeyntii saaxiibkii ugu soo gaba gabeeyey in uu maalin uun heli doono gabadha uu jeclaaday. Saalax oo ahaa C/qani saaxiibkii wuxuu la yaabay sheekada dheer ee soo dhex martay isaga iyo Hodan wuuxuna ku yidhi "runtii walaal waxaan kuu rajeenayaa in aad jacaylkaaga heshid" Sheekadii dhexdooda ahayd markii ay dhaamtay ayaa saalax ku yidhi wan sii Soconayaa oo waxaan aadayaa dhanka suuqa ee waa inoo mar kale. Dhanka kale Hodan waxay nolosheedu ka anba qaaday wadanka South Africa waxayna wax barasho ka bilawday wadankaas iyad oo ilawday nolosheedii yaraanta ee ay la wadaagtay C/qani. Soomaalidu waxay ku maahmaahday laba bariday kala war la' C/qani waxa uu jacayl xad dhaaf ah u hayey Hodan una diiday hablo badan oo u heelan doonayeyna in uu guursado. 

Wakhtigu waa seef oo qof ma sugayee wuxuu is daba socodo oo C/qani jacaylku keli ku ahaadaba maalintii danbe ayaa waxaa telefoon uga soo dhacay waddanka South Afirca, nasiib wanaag wuxuu noqday C/qani adeerkuu wuxuuna u sheegay in uu yimaado magaalada Hargeysa si uu halkaas uga soo dhoofo oo uu u yimado waddanka South Africa si uu halkan wax barashadiisa uga sii wato.

A.qani markii uu dhuuxay hadalkii adeerkii wuxuu qaatay go'aan isaga oo go'aan ku gaadhay in uu aado Waddanka South Africa is uu wax barasho u bilaabo. Wuxuu a.qani dhawr maalmood joogay magaalada Laas Caanood isaga oo saaxiibadii oo dhan u sheegay in uu halkaas aadi doono, habeen-nimadkii uu a.qani ka soo baxayey Las-Caanood ayaa waxaa u timi Naciima oo ahayd gabadh si xad dhaaf ah u jeclayd laakiin aan u sheegan jirin jacaylkiisa waxayna salaam iyo sheeko kaftan leh dabadeed u dhiibtay warqad xidhan oo ay ku tidhi walaal a.qani waxaan kaa codsanayaa in aad warqadan akhrisatid dhawr bilood ka dib,waxa ku qoran hadii aad ka heli weydayna waxaan kaa codsanayaa in aanad iga cadhoon.

A.qani waxay ku noqtay layaab wuxuuna garan waayey wax uu ku hadlo ugu danbeyntiina wuxuu ka qabalay go'aanka a u soo jeedisay... Wuxuu C/qani yimi magaalada hargeysa isaga oo halkaa uga sii kicitima aadeyna waddanka South Afirca. Markii uu halkaa tegay waxaa soo dhaweeyey adeerkii wuxuuna dejiyey gurigii uu u diyaariyey in uu dego kuna noolaado isaga oo hore ka galay jaamacadii loo diyaariyey, a.qani sidii noloshiisu ku ahayd magaalada Laas Caanood ayey ku noqotay waddanka South Africa-na wuxuuna gelinka danbe ka shaqo bilaabay dukaan ku yaala xaafada uu dagan yahay oo lagu iibin jiray macmacaanka sida chocolate iyo Buscutes i.w.m.

Hadii aan dib u jaleecno dhanka Naciima iyo jacaylka xad dhaafka ah ee ay u qabto C/qani mar ay uga warantay gabadh saaxiibadeed ah oo Luul la odhan jiray kuna tidhi walaal waxaan jeclaa C/qani hadana wuxuu joogaa waddanka South Africa jacaylkaygana ilaa hada uma sheegin oo waxaan mar walba is lahaa waad ku guuleysanaysaa wuuna ku dareemi doonaa aniga oo meesha kasaaray in wax walbaa u baahan yihiin dhaqaajin jacaylkuna u baahan yahay in lays dareensiiyo,

runtii walaal hada meel aan kala xiriiro ma lihi a.qani ayey Naciima iyada oo saaxiibadeed ka dooneysa talo hadal ugu gaba gabeysay. Luul waxay saaxiibadeed ku tidhi walaal hadii uu a.qani halkan joogo ama ciwaan lagala xidhiidho aad hayso wax waan kaala qaban lahaa laakiin waxay hada noqoneysaa in aa sidii markii hore aad u sugeysay u sugto ilaa inta aad si toos ah u arkaysid jacaylkaagana ugu soo bandhigaysid.

A.qani halkii ayuu ka sii waday shaqadiisii iyo waxbarashadiisii isaga oo lacagaha uu helo aan ku ciyaari jirin ee meel wanaagsan dhigan jiray si uu wax ugu qabsado noloshiisa. Habeen ayaa a.qani waxaa wiilal ay saaxiibo ahaayeen oo ku noolaa wadanka South Africa u kaxeeyeen aroos markaasi wiil soo degay oo dhigtay markii arooskii la imaday ayaa waxo a.qani ku mashquulay hees ka baxaysya GJ-ga oo dadku dhegeeysanayeen kuna luuqeeyo Alfanaan Lafoole.

"Dumarkaba Aduunbaa Iigu Dhaga nuglaayoo                        an soo Dhaweeyee".


Thank you so much my family and friends ❤️ 

Waxan rajenaa ina wax uun k fahanteen 

Post a Comment

Previous Post Next Post