Turkey's first warship F514 in Somalia sea (Markabka ciidanka Badda Turkiga, ee Kınalıada F 514 aya so garay bada Somalia.).

Dekadda Muqdisho waxaa soo gaaray markabkii ugu horeeyay ee dagaal ee Turkiga, waxaana heshiiskan uu socon doonaa muddo 10 sano ah. Ummaduhu waxay iska kaashan doonaan ilaalinta xeebaha, kobaca dhaqaalaha buluuga ah, iyo awoodaha difaaca badda.

Munaasabad heer sare ah oo ay la yeelanayaan madaxda dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa in loogu dabaaldego iskaashiga istaraatiijiga ah, ayaa  lagu yiri warbixinta warbaahinta dowladda.

Markabka cusub ee ciidanka Badda Turkiga, TCG Kınalıada F 514, ayaa ku guda jira safarkiisa ugu dheer abid. Markabkan ayaa la qorsheeyay inuu u shiraacdo Japan dibna u soo laabto, safar afar bilood qaadan doona. Isla waqtigaas waxaa qorshaha yahay dhaqan galka heshiis difaac iyo dhaqaale oo aay galeen Turkiga iyo Soomaaliya.


Heshiiskan wuxuu daboolayaa istiraatiijiyado dhuleed iyo badeedba, iyadoo Turkigu uu bixin doono tababaro iyo qalab si loo taageero dhismaha ciidanka badda Soomaaliyeed. Heshiiskani wuxuu calaamad u yahay guul weyn oo labada dal ee walaalaha ah heshiiskaas oo maanta dhaqangalay.


Kuwa ka yaaban ama ka naxsan safarka dheer ee TCG Kınalıada, waxaa loogu talagalay inuu u shaqeeyo inta badan waxa loo yaqaan (Inland-Sea), sida ku cad tilmaamaha howlgalkiisa.



Ha welwelin, iskana ogow maraakiibta kale ee badda Turkiga ayaa ku soo jeeda inay roondo ka sameeyaan biyaha xeebaha Soomaaliya .


Post a Comment

Previous Post Next Post